1179 Views

Shirka Goleyaasha Sharci-dejinta dalka oo Maanta la soo geba-gabeeynayo

Shirka Goleyaasha Sharci-dejinta dalka oo Maanta la soo geba-gabeeynayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 10  2019–Maanta ayaa la filayaa in Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal lagu soo geba-gabeeyo shirka Goleyaasha Sharci-dejinta dalka oo ay ka qeyb galayaan Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka iyo guddoonada Baarlamaanada, Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle, iyada oo Galmudug ay ka maqan tahay.

Shirkaas oo ahaa kii shanaad ayaa Isniintii furmay,waxaana shalay oo Talaado aheyd  talooyinkooda looga dhageystay Guddoomiyaasha Golayaasha Xeer dejinta ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda dhexe, waxaana Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda  Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhoobo” uu sheegay in Muhiim ay tahay loona baahanyahay in wada shaqeyn dhow ay yeeshaan gudiyada isku shaqada ah ee Golayaasha xeer dejinta.

Sidoo kale guddoomiyeyaasha Goleyaasha Sharci-dejinta dalka ayaa dhankooda balanqaaday in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta iyo iskaashiga Dowladda dhexe iyo Dowladda Goboleedyada si  shacabka oo dhan ay dowladnimada u gaarto.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isna sheegay in ka gole shacab ahaan diyaar u yihiin in shuruuc walba oo dalka loo sameynaayo laga tala geliyo Dowlad Goboleedyada.

Geba-gabada Maanta ee shirka Goleyaasha Sharci-dejinta dalka ayaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ay ku heshiiyeen xubnihii ka qeyb galay shirkaas ee ka socday dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment