423 Views

Guddoomiyaha B/Puntland oo la kulmaya guddi loo saaray la-xisaabtanka xukuumadda

Guddoomiyaha B/Puntland oo la kulmaya guddi loo saaray la-xisaabtanka xukuumadda
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 3, 2022

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, inuu kulan gaar ah la yeesho guddi uu Baarlamanka u xil saaray ururinta natiijadii ka soo baxday la-xisaabtanka xukuumadda Madaxweyne Deni.

Guddiga ayaa loo xil saaray in ay soo ururiyaan, talona ka soo jeediyaan natiijada La xisaabtanka hay’adaha dowladda ee Kalfadhiga 50-aad.

Warar ayaa sheegaya in guddigaas uu maalmihii la soo dhaafay isku fahmi waayay arrintii loo xil-saaray, islamarkaana ku fashilmeen in ay go’aan midaysan ka soo saaraan.

Khilaafka guddiga ayaa bilowday, kadib markii xubnaha qaar soo jeediyeen in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda lagu eedeeyo xil-gudasho la’aan, si Baarlamanku tallaabo uga qaado.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post