615 Views

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT oo bilaabaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT oo  bilaabaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT ayaa Maanta bilaabaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya.

Guddiga doorashada Jubbalad ayaa Musharaxiinta u tartamaya lix kursi oo ay horey u shaaciyeen ka dalbaday inay Xarunta Guddiga ee Magaalada Kismaayo tagaan, si loo diiwaan-geliyo, isla markaana la siiyo shahaadada Musharaxtinimada Golaha Shacabka.

Advertisemen

Guddiga doorashada ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeysay waday soona gaba gabeeyey diiwaan-galinta iyo tababarida Guddiyada xulista ergooyinka, sidoo kale waxa ay diiwaan galiyeen dhammaan ergooyinka ka codeenaya 6-da kursi.

Doorashada Lixda kursi ee tirsigoodu kala yihiin HOP082, HOP108, HOP113, HOP134, HOP203 iyo HOP217 ayaa lagu wadaa in maalinta talaadada soo socota ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa horey uga bilaabatay Muqdisho, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyadoona la doortay in ka badan 20 Xildhibaan oo kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post