717 Views

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay degaanka Bukure degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Ciidamada Xoogga Dalka oo  howlgallo ka fuliyay degaanka Bukure degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka fuliyay degaanka Bukure oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo jab xoogan loogu geystay Dhagarqabayaasha maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay fuliyeen Ciidamo ka tirsan Xoogaa dalka guutada 5-aad qeybta 27-aad, gaar ahaan Hurunta deggan degmada Maxaas ayaa cagta mariyay fariisin maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Bukure.

Talitaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD kornayl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay oo Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidanka xoogga dalka ay Maleeshiyada Al-Shabaab kadileen 15, ayna ka furteen 5-qori oo AK47 iyo hal qori oo ah BKM

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD oo uu hoggaaminayo Taliyaha guutada 5-aad Kornayl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa deegaannada u dhaxeeya degmooyinka Maxaas, Matabaan iyo Beledweyne ka wada nuddo bil ka badan howlgallo ka dhan ah maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post