954 Views

Soomaali ku geeriyootay Shil ka dhacay Koonfur Afrika

Soomaali ku geeriyootay Shil ka dhacay Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2019–Shilkan oo ahaa mid gaari ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Mayfair gaar ahaan Waaxda Queens road ee dalka Koonfur Afrika,waxaana ku geeriyootay Haweeneey kamid aheyd Soomaalida ku nool dalkaasi koonfur Afrika.

 

Shilka gaari ayaa yimid ,kadib markii uu farriin goostay Gaariga oo u watay Ruux u dhashay dalkaasi Koonfur Afrika,waxaana Haweeneyda uu gaariga ka maray qeybaha sare ee jirkeeda isla goobtana ay ku geeriyootay.

 

 

 

Mid kamid ah Soomaalida ku nool Koonfur Afrika ayaa sheegay in Darawalka Gaariga uu isku dayay in shilka kadib uu baxsado,hayeeshee ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Ammaanka Koonfur Afrika.

 

Dalka Koonfur afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka ay Soomaalida ku badan yihiin,hadana loogu geystay dhibaatooyin ay kamid yihiin dil iyo in la boobo hantidooda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment