714 Views

Xundubey “ Wax banan bax ah oo nala so ogeysiyay malahan wan kadigeyna iney Bulshada isku Timaado

Xundubey  “  Wax banan bax ah oo nala so ogeysiyay malahan wan kadigeyna iney Bulshada isku Timaado
____________________________________________________________________________

Feb 17 /2/2021

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aan lagu soo wargelin banaanbax ay iclaamiyeen musharixiinta mucaaradka, kaasi oo dhici doono maalinta Jimcaha.

Sidoo kale wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo koobay in dowladda ay gabi ahaanba mamnuucday isugu imaantinka dadweynaha, maadaama haliska Covid-19 uu soo laba kacleeyay.

“Wax banan bax ah oo nala so ogeysiyay malahan wan kadigeyna iney Bulshada isku Timaado” ayuu yiri wasiirka amniga Soonaaliya

Go’aankan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, xilli Midowga Murashixiinta Muqdisho ay ku baaqeen in dibad-baxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda  maalinta Jimcaha laga sameeyo magaalada Muqdisho.

.”

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post