1074 Views

50 qof oo ku dhimatay qulqulatooyinka ka socda waddanka Koonfur Afrika

50 qof oo  ku dhimatay qulqulatooyinka ka socda  waddanka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Talaado: July 13, 2021

Ugu yaraan 30 qof oo ay ku jiraan 4 dhalinyaro Soomaali ah ayaa ku dhimatay qulqulatooyinka qeyba ka mid ah waddanka Koonfur Afrika ka soconaya tan iyo markii madaxweynihii hore Jacob Zuma uu todobaadkii hore isu dhiibay booliska.

Ku dhowaad 800 oo qof ayaa loo xiray xiisaddaasi xigtay dibadbaxyadii Khamiistii bilowday kaddib xariga Zuma.

Hasayeeshee dibadbaxyada ayaa qalalaase isu badalay Sabtidii, iyadoo kooxo caraysan ay xireen waddooyinka ganacsiyadana ay boobeen.

Milateriga ayaa haatan la geeyo degmooyinka qaar si ay gacan uga gaystaan xakamaynta rabshadaha, sidaas oo ay tahayna weli waddooyinka qaar ayaa xiran, oo waxaanan weli la aasin maydka dhalinyaro 4 ah oo Soomaali ah oo aagga magaalada Durban shalay lagu dilay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post