843 Views

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo sheegay in Mareykanka uu ka baaraan dagayo heshiis suurta gal ah inuu la galo dalka Poland

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka  oo  sheegay in Mareykanka uu ka baaraan dagayo heshiis suurta gal ah inuu la galo dalka Poland
____________________________________________________________________________

Axad: March 6, 2022

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in Mareykanka uu ka baaraan dagayo heshiis suurta gal ah inuu la galo dalka Poland, ee la xiriira in Ukraine la siiyo dayuuradaha dagaalka ee Ruushku sameeyo.

Tallaabadani ayaa daba socota dalab ka yimid Sabtidii, Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, kaasoo uu ku sheegay in duuliyeyaashiisa loo tababarey wadista diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

Mr Blinken waxa uu sheegay in Mareykanka uu eegayo sidii uu u siin lahaa diyaarado u beddela kuwa ay heystaan Poland, haddii ay oggolaato. Military-ga dhawr wadan oo Yurubta Bari ah, ayaa wali isticmaala diyaaridihii xiligii Soviet-ka.

Colaadda hadda ka aloosan Ukraine, Ruushka waxa uu leeyahay awood dhinaca hawada ah oo aad u sarreysa.

Mr Blinken waxa uu ka hadlayey safar shaqo oo uu ku tagey dalka Moldova, taasoo qeyb ka ah socdaal ballaaran oo uu ku marayo bariga Yurub, si uu hoosta ugga xariiqo tagaeerada Mareykanka.

Wuxuu sheegay xoghayaha in wadamada Reer Galbeedka ay mar waliba ay hor istaagi doonaan gardarada Ruushka.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynaha Moldovan, Maia Sandu, iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayuu xoghayuhu wuxuu ku sheegay in Mareykanku uu ka fiirsanayo inuu diyaarado u keeno Poland, haddii ay go’aan sadaan iney Mic-yadooda siiyaan Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post