1191 Views

Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika

Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 27, 2019–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay waxa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalooyin ka mid ah dalka Koonfur Afrika.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Johannesburg, Xubnaha wafdiga ee la socda Madaxweynaha, Safiirka Soomaaliya u jooga Koonfur Afrika Jamaal Maxamed barrow, waxaana uu ahaa mid Madaxweyne Farmaajo ay ku soo dhaweynayeen.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika uga mahadceliyay midnimada ay muujiyeen iyo sida ay magaca wanaagsan ugu soo jiideen ummadda Soomaaliyeed.

 

Dhankooda xubno matalayay Jaaliyadda ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday in Madaxda dalkaasi uu kala hadlo dhibaatooyinka mar walba ay u geystaan Madaxda dalkaasi Soomaalida Ganacsi ahaan u jooga.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo geba-gabeeyay safarkiisa,isaga oo saacadaha soo socda kusoo wajahan Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment