774 Views

Shir laga yeeshay Amniga Magaalada Jowhar

Shir laga yeeshay Amniga Magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 06, 2021
–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay Kulanka Guud ee Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Shirka oo maanta ay kas qeybgaleen Wasiiru dowlaha Amniga, Maamulka Gobolka  Shabeellaha  Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad,  Taliyaha Ciidanka Danab ee Hirshabeelle, Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Hirshabeelle, Saraakiil ka socotay Taliska Guud ee Booliska Hirshabeelle, Taliyaha Ciidanka Haram cad  ee Hirshabeelle iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha ayaa kulankan muhiimka ah ee todobaadkiiba mar qabsooma warbixinta Amniga uga dhageystay saraakiisha Hay’adda Amaanka.

Saraakiisha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo  qorsheysan oo Hay’adaha Amaanka ku sameeyeen is looga shaqeeyo nabad galyada Caasimada iyo Guud ahaan Magaalooyinka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Hay’adaha Amniga oo dhaqo culus u haya  Bulshada Hirshabeelle.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post