1518 Views

Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Puntland Oo Maanta Bilaabanaya

Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Puntland Oo Maanta Bilaabanaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 18, 2019–Maanta oo sabti ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 18-ka Bisha May ayaa waxaa lagu wadaa in deegaanada Puntland uu ka si rasmi ah uu kaga bilowdo Imtixaankii Shahaadiga ahaa oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay imtixaanka Sanadkan 2018-2019 lagu qaadi doono 106 Xarumood oo ku yaalla deegaanada maamulkaasi,hayeeshee ma shaacin tirada guud ee Ardayda Imtixaanka u fariisaneyso,kuwaasi oo dhameystay Dugsiyada sare ee ku yaalla deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo u diray dhammaan Ardayda u fariisaneysa Imtixaanka shahaadiga ah,isla markaana faray laamaha amniga inay kaalin weyn ka qaataan qabsoomida Imtixaanaadka iyo inay la shaqeyaan  Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay in uusan qeyb ka aheyn Imtixaankii fashilmay ee qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo la joojiyay lana baabi’iyay,kadib markii qaar kamid ah Maadooyinka loo helay qaab qish ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment