678 Views

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in uu amaray in la xiro hablo Laascaanood ku dhex xirtay calanka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo  sheegay in uu amaray in la xiro  hablo Laascaanood ku dhex xirtay calanka Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Axad: July 11, 2021

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay inuu bixiyay amarka lagu soo xidhxidhay hablo magaalada Laascaanood ku dhex xirtay calanka Soomaaliya.

Odayaal Wasiir Saleebaan ay hayb wadaagaan ayaa ka codsaday isaga sii daynta gabdhaha. Wasiirka wuu ku gacan-saydhay codsiga odayaasha.

“Sharciga dalka waa loo siman yahay. Way ogaayeen in dowladda Somaliland mamnuucday ku labbisashada calanka Soomaaliya sidaas darteed hablaha waxaa lagu qaadayaa sharciga” ayuu Saleebaan ku yidhi odayaasha ku sugan Laascaanood oo telefoon kula hadlay wasiirka.

Wasiir Saleebaan ayaa mowqif la mid ah mowqifkan gaadhay toddobaad ka hor markii dhallinyaro Boorame ku sugan xabsiga loo taxaabay iyagoo lagu eedeeyay inay ku xafladeeyeen calanka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post