90 Views

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Urur Goboleedka IGAD oo Shir Madaxeedkii 42-aad ku qabtey magaalada Kampala ayaa si adag u taageeray qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Somalia, isla markaana wax kama jiraan ka soo qaadey heshiiska sharci darrada ah oo ay Ethiopia la gashey maamulka Hargeysa ee waqooyiga Somalia.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns, oo ay ka wadahadleen iskaashiga dhanka amniga ee labada dal.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Khawaarijta iyo Dowladda Ethiopia aya labaduba yihiin cadow duulaan ku ah madaxbanaanida, iyo qaranimada Soomaaliya, isla markaana shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dalkooda difaacan doonaan.

4- Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ee Dowlad Goboleedka Galmudug ku qabtey kulamo ku saabsan dhameystirka hawlgalada milateri ee Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjireyaasha dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi.

7- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in tallaabooyinka ay Ethiopia waddo ay khatar ku yihiin amniga gobolka iyo caalamka intaba.

8- Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Ethiopia ku faragelineyso qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

9- Wasiirka Ariimaha Dibedda ee Masar ayaa sheegay in Ethiopia ay noqotay isha hagardaamada iyo colaad hurinta ee gobolka.

10-    Waddamada Qatar iyo UAE ayaa taageeray dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, kadib heshiiskii sharcidarrada ahaa ee Ethiopia ay la gashey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

11-    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan wasiirro iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobollada Waqooyi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska sharci darrada ah ee Ethiopia la saxiixatey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

12-    Qaar kamida odayaasha dhaqanka ee deegaanka Sheekh Awaare ee gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya.

13-Ururka Suxufiyiinta Caalamka IFJ ayaa cambaareeyay falalka guracan ee lagu bartilmaameedsaday suxufiyiinta ka hawlgala deegaanada Somaliland, kadib markii dhowr weriye lagu xiray Hargeysa.

14-    Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene) ayaa kulan la qaatay maalgashato ka socday dalka Qatar oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

15-    Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Danjiraha India marwo Namgya C. Khampa ayaa ka wada hadley iskaashi buuxa oo laga yeesho horumarinta caafimaadka labada dal,iyo in Soomaaliya loo tababaro xirfadleyaasha caafimaadka.

16-    Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Muqdisho tababbar uga furay 30 kamid ah shaqaalaha waaxda farsamada guud ee warbaahinta Qaranka.

17-    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la qaatay saraakiisha Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana kulankaas diiradda lagu saaray amniga dalka.

18-    Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee Muqdisho.

19-    Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isugu yimid kulan weyn ay si adag uga hor imaanayeen damaca dowladda Itoobiya ay ku doonayso faragelineyso qaranimada Soomaaliya.

20-    Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa la horgeeyey eedaysanayaal loo haysto musuqmaasuq, kuwaas oo ka kala tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Banka Dhexe.

21-    Yuusuf Xasan oo khawaarijta ka tirsanaa 15 sanno ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Baydhabo.

22-    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa koonfurta gobolka Mudug kawada hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post