1164 Views

Xildhibaano ka baxay kulankii Maanta ee Golaha Wakiilada Soomaaliland

Xildhibaano ka baxay kulankii Maanta ee Golaha Wakiilada Soomaaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 06,, 2019 —Magalada Hargeysa ayaa waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Golaha Wakiilada Soomaaliland ,iyaga oo kulankooda kaga hadlayay Arrimaha doorashada iyo anisixinta heshiiskii saddexda xisbi ka gaareen arrimaha doorashooyinka.

 

Kulanka ayaa Golaha Wakiilada ay ku ansixiyeen Heshiiska doorashada ee saddexda Xisbi, UCID,  Kulmiye & Waddani, hayeeshee waxaa kulankaas ka baxay Xildhibaannada laga soo doortay deegaannada Gobolada Sool, Sanaag iyo Awdal.

 

 

 

Xildhibaannada kulanka ka baxay ayaa waxaa ay sheegeen in aan doorasho laga qabanayn deegaanadooda ilaa xal laga gaaro heshiiska saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada,isla markaana sidaasi ay kulanka uga baxeen.

 

Gobollada Sool, Sanaag iyo Awdal ayaa golaha wakiillada ku leh 23 mudane halka Gobollada kale ee Somaliland ku leeyihiin 59 xildhibaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment