861 Views

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 24, 2021

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya,  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro, isagaoo  kala hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo xaqiijinta in aan cidna lugu xadgudbin.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xiriirta habka ay u socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka, isaga oo u caddeeyay in ay si huufan u qabanayaan doorashooyinka.

Kulanka Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa kusoo beegmaya xilli qeybo kamid ah dalka ay ka bilowdeen doorashooyinka, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post