648 Views

Xasan Shiikh oo la kulmay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Xasan Shiikh oo la kulmay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 16, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson ayaa kala hadlay xoojinta wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marwo Kristina Svensson ayaa tilmaantay in Bangiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ku taageerayo 100 malyan oo doolar 12-ka bilood ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda, iyadoo ku ammaantay Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u siineyso kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinyarada, waxa uuna Bangiga Adduunka ugu baaqay in kala shaqeynayo Dowladda casriyeynta hannaanka shaqada iyo adeegyada dowladda Federaalka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post