882 Views

RW Kheyre oo la kulmey taliyeyaasha Ciidamada & Go’aan kasoo baxey

RW Kheyre oo la kulmey taliyeyaasha Ciidamada & Go’aan kasoo baxey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 19, 2020 –Kulan looga hadlay isu diyaarinta howl-gallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo laga fuliyo deegaanada ay kaga sugan yihin dalka ayaa waxaa lagu qabtey xarunta taliska Booliiska ee Magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Guddoomiyay shirka, waxaana goob-joog ka ahaa wasiirka iyo wasiiru Dowlaha maaliyadda, wasiiru Dowlaha difaaca iyo taliyaasha Booliiska iyo kuwa xoogga Dalka.

 

 

 

Xasan Cali Khayre ayaa faray dhammaan wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee kulanka ka qayb galay iyo hey’adaha Dowliga ah ee qaybta ka ah qorshaha, inay dar-dar geliyaan dedaallada lagu diyaarinayo howl-gallada, si loogu guuleysto xoreynta degaannada Al-Shabaab uga sugan yihiin Dalka.

 

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarineed ee dhammaan adeegyada Bulshada looga hir-gelinayo degaannada laga saaro Al-Shabaab.

 

Taliyayaasha iyo wasiirrada kulanka ka qeyb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan ay ku dhammeystirayaan qorshaha xoreynta degaannada ka maqan gacanta dowladda iyo hir-gelinta adeegyada ka dambeeya ee lagu horumarinayo Bulshada iyo degaanka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment