942 Views

SAWIRO: Duqa Muqdisho oo qaabilay Madaxda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

SAWIRO: Duqa Muqdisho oo qaabilay Madaxda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 18 2019 —Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa Hoyga uu ka Degenyahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Casha Sharaf ugu Sameyey Madaxweyniyasha Dowlada Goboleedyada Koonfur Galbeed Iyo Hirshabeele kaasi oo ahaa Sidii Wada Shaqayn Wanaagsan ay udhexmari lahayd Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen )ayaa Uga Mahadceliyey Gudoomiyaha Casha Sharafta uu Usameyey Waxaana uu Tilmaamay Kan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahaan in ay kala Shaqayn Doonan Sidii ay iska Kaashan lahayeen Hormarka iyo Nabadaynta Caasimada Dalka iyo Sidii Xariir Dhow ay uyeelan lahayeen Maadama Caasimada Soohin ay la leedahay Koonfur Galbeed.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa Sido kale Gudoomiyaha Uga Mahadceliyey Sida Wanaagsan ee u casuumay Waxaana uu Tilmaamay in kan Dowlad Goboleed ahaa Si Dhow ay ula Shaqayn Doonan Mamulka Gobolka Banaadir maadama Hirshabeele Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir ay yihiin Gobolo Deris ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment