786 Views

Shir u furmaayo Madaxda Dowladda, Dowlad Goboleedyada & Midowga Musharixiinta

Shir u furmaayo Madaxda Dowladda, Dowlad Goboleedyada & Midowga Musharixiinta
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 24, 2020 –
Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa la filayaa in todobaadka soo socda uu shirweyne uga furmo Madaxda Dowladda Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada ,Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha & Ururada Bulshada Rayidka.

Kulanka ayaa waxaa fududeynaya Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage, waxaana uu yahay mid lagu dhex-dhexaadinayo, Dowladda federaalka, Midowga musharixiinta Madaxweynaha & dowlad goboleedyada qaar oo isku khilaafsan Arrimaha doorashooyinka.

Kulanka sida aan wararka ku helnay ayaa waxaa uu dhacayaa 28 bishaan, waxana kulanka ka qeyb-galkiisa aqbalay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug, waxaana kulanka goobjoog ka noqon doona 14-ka Xubnood ee Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in ka hor maalinta Isniinta ah ee Todobaadka soo socda ay tagaan Magaalada Garoowe, waxana qodobada shirka looga hadi doono kamid noqonaya.

1:  Doorashada sanadka 2021

2:  Xasilinta Dalka (Amni ahaan)

3: Dhammeystirka Dastuurka qabyada ah. walow Madaxweyne farmaajo uu wareegto Madaxweyne ku dib digay Ansixinta waxka beddelka dastuurka

4: Qabashada Doorasho Qof iyo Cod ah sanadka 2025

5:  Yagleelidda Nidaam Federaal ah oo Shaqeynaya

Maalin ka hor waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Xubnaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha & Ururada Bulshada rayidka, waxaana madaxda Ururada ay musharixiinta ka dalbadeen in la dhex-dhexaadiyo, iyaga & Madaxda dowladda ayna aqbaleen Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post