945 Views

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabis sameeyay
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 17 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Godobjiraan.

Madaxweynaha maamulka Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdisiciid Faarax Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Godobjiraan.
  2. Waxaa Axmed Faarax Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Godobjiraaan.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post