1899 Views

Dowladda Soomaaliya & Uk oo ka wada hadlay Amniga doorashada

Dowladda Soomaaliya & Uk oo ka wada hadlay Amniga doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31da Maarso, 2021Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu  kula kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya.

Kulanka oo saacado kooban qaatay ayaa labada dhimac waxaa ay  kaga wada hadleen xaalada Amniga doorashooyinka iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee Amniga Dalka iyo iskaashiga labada dal.

Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey ayaa uga mahad celiyau dowladda Ingiriiska taageerada dhinaca Amniga oo ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay inay kordhiyaan.

Safiirka Uk ee Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ay joogteyn doonaan xiriirka ay la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post