1071 Views

QM oo walaac ka muujisay fatahaadda Wabiyada Soomaaliya

QM oo walaac ka muujisay fatahaadda Wabiyada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 31, 2019 — Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya Danjire; James Swan, ayaa sheegay in ay hay’adaha Caalamiga diyaar u yihiin taageerada loogu gurmanayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiyada Jubba iyo Shabeelle.

 

James Swan; ayaa sheegay in QM ay diyaar u tahay in ay Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, kala shaqayso gurmadka loo fidinayo Dadka ku dhibaateysan fatahaadaha.

 

Ambassador; Swan, ayaa sheegay in barnaamijka Cuntada Adduunka WFP uu diyaarinayo Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo u gogol xaaraya taageeridda dedaallada wax qabadka Bini’aaddannimo ee Magaalada Baladweyne iyo goobaha kale ee ay dhibaatadu ka jirto.

 

“Waxan aad ugu mahad naqayaa Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya in si ku meel gaar ah loo adeegsado helikobtarrada,si aan Gacan uga geysanno fulinta hawlgallada baadigoobka iyo samata bixinta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha”ayuu yiri, Danjire, James Swan.

 

Mr: Swan ayaa sheegay in Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aaddamnimada iyo hay’adaha samafalka ay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta in si deg-deg ah ay ku gaarsiiyaan gurmadka lagu badbaadinayo Dadka dhibaataysan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment