918 Views

Maraykanka oo Beesha caalamka ku cadaadinaya in Dowlad kale loo dhiso Afghanistan

Maraykanka oo Beesha caalamka ku cadaadinaya in Dowlad kale loo dhiso Afghanistan
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 9, 2021 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in toddobaadka soo socda ay qabaneyso shir looga wada xaajoonayo arrimaha Afghanistan.

Wasaaradda ma aysan sheegin faahfaahin dheeraad ah hase yeeshe saraakiisha Afqanistaan ​​ee Kabul ayaa sheegay in hoggaamiyeyaal sare, oo uu ku jiro madaxa Golaha Sare ee Dib-u-heshiisiinta Qaranka, Abdullah Abdullah, la casuumay.

Wakiillada Taalibaan iyo sidoo kale wakiilo ka socda Mareykanka, Shiinaha iyo Bakistan ayaa iyagana la filayaa inay ka qeyb galaan shirkaasi.

Ku dhawaaqidda shirkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay socdaan qorshayaal cusub oo Mareykanka ku doonayo in la sii xoojiyo geeddi-socodka nabadda Afghanistan.

Sidoo kale Wax uu  soo jeediyay  Maraykanka in dawlad ku meel gaar ah la dhiso sidoo kalana la qabto shir ay Qaramada Midoobay fududaysay oo lagaga hadlayo arrimaha Afghanistan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post