3408 Views

Xildhibaan sheegay in Maleesheeshiyad la keenay xarunta ay ku shirayaan Golaha Shacabka

Xildhibaan sheegay in Maleesheeshiyad la keenay xarunta ay ku shirayaan Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27da Maarso, 2021–Iyada oo lagu wado in saacadaha soo socda uu furmo kulanka Golaha Shacabka ayaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxaa ay sheegeen in maleeshiyaad hubeysan la keenay halka uu kulanka ka dhacayo.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Ajandaha  xildhibaannada ay Maanta Xarunta shirka ku yimaadeen aan la soo marsiin habraacii loogu talo galay, isla markaana Kulanka Maanta uu yahay m id dan kalae laga leeyahay.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in Maleeshiyaad hubeysan oo dharcad ah la keenay Xarunta ay ku shirayaan baarlamaanka, isla markaana uu dalbaday guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sheikh cabdiraxmaan.

Warbaahinta ayaa weeydiisay Xildhibaan Mahad Salaad sababaha keenay in Ciidamo aan aheyn kuwa loogu talo galay amniga Xarunta in la keeno, waxaa uu sheegay in la doonayo in lagu handado Xildhibaannada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post