414 Views

Duqa Muqdisho oo faray maamulada degmooyinka qeybta Waliyow Cadde xoojinta amniga

Duqa Muqdisho oo faray maamulada degmooyinka qeybta Waliyow Cadde xoojinta amniga
____________________________________________________________________________

Isniin: DECEMBER 19, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen Madaxda Degmooyinka dhaca qeybta Waliyow Cadde iyo saraakiisha Laamaha Amniga, kaasi oo loogu hadlayay u diyaar garowga Qorshe Howleedka sanadka cusub ee 2023 iyo Qorshaha Wada-shaqeynta Laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Degmada Howlwadaag ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gaadhaanle Sare Mahdi Cumar Muumin iyo Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Muxiyadiin Warbac Shadoor.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo saraakiisha Laamaha Amniga ee Degmooyinka xiga qeybta Waliyow Cadde in ay dardargaliyaan Horumarinta Degmada, wax ka qabashada kiisaska Amniga iyo in iskaashi buuxda laga wada yeesho dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post