1071 Views

Sawiro:=Shir looga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Baydhabo

Sawiro:=Shir looga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Baydhabo
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 9, 2019 | QOL |   –Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Warsame Duufaan ayaa Maanta Magaalada Baydhabo waxaa uu ka furay Kulanka Farsamo iyo Xog iswedaarsiga Agaasimiyaasha Guud Wasaaraddaha Dastuurka Dowlada Federaalka Somaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

 

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Wadashaqaynta Wasaaradda Dastuurka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, iyada oo qaar kamid ah Agaasimiyaasha ka qeybgalaya kulanka ay ku dheeradeen ka hadlida muhiimada ay leedaha Wadatashiga Dastuurka Dalka.

 

 

 

Agaasimaha Guud Wasaaradda Dastuurka DFS iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay Muhiimada Kulanka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Warsame Duufaan oo kulanka furay ayaa sheegay in looga baahan yahay ka qeyb-galayaasha kulanka in ay soo saaraan qodobo muhiim u ah Dastuurka dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment