432 Views

Xabsiyada Federaalka Maraykanka oo xannibaad lagu soo rogey kadib Dilal ka dhacay Gudaha Xabsiyadaas.

Xabsiyada Federaalka Maraykanka oo xannibaad lagu soo rogey kadib Dilal ka dhacay Gudaha Xabsiyadaas.
____________________________________________________________________________


Talaado: February 1, 2022

Dhammaan Xabsiyada Mareykanka ee Federaalka oo la xirayo ka dib markii uu ka dhacay dagaal qaraar oo u dhaxeeya kooxo burcad ah Dhammaan xabsiyada Federaalka ee Mareykanka ayaa la xiray ka dib markii dagaal qaraar oo dhexmaay kooxo burcad ah uu sababay in labo ka mid ah maxaabiistii ku jirtay xabsigaas ay dhintaan , xabsigaa ay dhacdadu ka dhacday oo ku yaalla Texas .

Labo maxbuus oo kale ayaa iana si xun loogu dhaawacay rabshad ka dhacday xabsiga aadka loo ilaaliyo ee Boumont maalinimadii Isniinta , Hoganka Federaalka ee xabsiyada ayaana sidaas sheegay. Hoggaanka xabsiyada ayaa sheegay in ay kaga jawaabayaan arrintan shaki badan sida ay yiraahdeen , iyaga oo intaa raaccinaya in xiritaanka xabsiga ay tahay tallaab ku meel gaara . Waa wax aad u yar in la arko tallaabo tan oo kale a h oo lagu soo rogo dhamaan xabsiyada Federrraaka . Inta badan maxaabiista Marreykanka waaa lagu hayaa xabsiyo gobol walba uu gaar u leeyahay taas lid ku ah dwoladda Federaalka.

Hoggaanka xisbiyadda Mareykanka ayey hos tagana 134 xabsi oo ay ku jiraan in ka badan 150 kun oo maxbuus dalka Mareeykanka oo dan , sid alagusheegay warbixinadii ugu dambeeyey oo lagu quoro website-kooda .

Markii maxabiista loo diiday wax dhaqdhaq ah , taas waxay saameysay maxaabiista gudha ku jirta oo lagu koobay qolalkooda iyadoo ay jiraan xannibaado lagu soo rogay dadka u imaanaya ee soo booqanaya .

War uu soo saaray hoggaankaasi ayaa lagu sheeay in sidaas loo sameyey badqabka iyo sababo ammaanka la xiriira. Laakiin faahfaahin dheeraad ah lagama bixin go’aanka , iyaoo intaas lagu daray in la rueysan yahay in tallaabadaas ay noqon doonto mid waqti gaaban ah. Rabshadahaa ka dhacay xabsiga Beaumont ee ku yaalla Texas oo ah xabsi ay ku jiraan 1,372 maxbus aya lagu warramay in ay ka qeybaateen xubno ka tirsa kooxda burcadda ee loo yaqaano MS-13 Koox ah aad u adag oo ka dhisan los Angeles oo asal ahaan ka soo jeedda El Salvador.

Dagaalka ayaa sababay in ay dhalato cabsi ah in ay dhici karaan aargoosiyo kuwaas o ku fidi kara xabsiga oo dhan . MS-13 : Sheekada mid la mid ah kooxaha ugu xun ee buracdda caalamka Labo ka mid ah maxaabiista oo ku dhintay gudaha ayaa kala ahaa Guillermo Riojas, oo 54 jir ah oo ku xukunaa dambiyo la xiriira qalqal galin markii uu hub isticmalay iyo Andrew Pineda, oo 34 jir ah aas oo la sheegay in xubin ka ahaa kooxo burcad ah oo loo yaqaano Maafiyada Mexico .

Ma jirto cid ka tirsan shaqaalaha xabsiga oo ku daawacanay intii ay socdeen dagaaladi xabsiga gudihiisa kadhacay , sida ay sheegeen hoggaanka Xabsiyada .

Kooxda Maafiyada Mexico ayaa la rumeysan yahay in ay gaaryaan ilaa 300 oo ubnood marka laga hadlayo xabsiyada MAREYKANKA Kooxdan ayaa ka kooban kuwo hadda la xukumay iyo kuwo hore u xukunaa kuwaas oo xilal awoodeed ku leh xabsiga gudihiisa iyo sidoo kale heshiisyo kale oo ka shaqeynta mukhaadraadka ah .

Kooxdan yaa ka aasaasantay kana kooban kooxo tahriibeyaal ah oo ka soo cararay dalka eLsalvador dagaalkii dheera ee sokeeye e ka dhacay waxaana lgu yaqaanaa in ay yihiin kuwo rabshado aad xun ku kaca .

FBI aya ku qiyaaseysa in kooxdaa ay leyihiin ilaa iyo 10 kun oo xubnood oo joga gudaha Mareykanka , taas oo ka dhigeysa koxda ugu ballaran eeshabakad dambiileyaal oo waddan ka jira .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post