990 Views

Dowlada Ciraaq oo sii deysay taliye lagu soo eedeyay weerar saldhigyada Mareykanka

Dowlada Ciraaq oo sii deysay taliye lagu soo eedeyay weerar saldhigyada Mareykanka
____________________________________________________________________________

June 9 2021

 

Mas’uuliyiinta Ciraaq ayaa sii daayay taliye la yirado Qaasim Muslih oo ka tirsan maleeshiyaad caan ah.

Qaasim ayaa la xiray bishii la soo dhaafay ka dib markii lagu soo eedeyay in loo haysto arrimo la xiriira argagixisanimo.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladda ayaa sheegay in aysan jirin caddeyn ku filan oo lagu sii wadi karo dacwadda lagu soo oogay.

Xariga Qaasim Muslih ayaa lagu soo waramayaa inuu la xiriiray weeraro gantaalo ah oo lala beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Mareykanka.

Wuxuu taliye u yahay ciidamo loogu yeero Abaabulka xoogagga Caan ka ah oo ay ku mideysan yihiin maleeshiyaad Shiicada ah oo ay ku badan yihiin kooxaha taageersan Iran.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Mustafa al-Khadimi ayaa halgan dheer u galay sidii uu u xakameyn lahaa maleeshiyaadkan balse dadaalkiisa ayaa noqday hal-bacaad lagu lisay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post