888 Views

Taliyaha Saldhiga Guriceel oo Wacad ku maray in lala xisaabtami doono dadkii taageeray Ahlu-Sunna

Taliyaha Saldhiga Guriceel  oo Wacad ku maray in lala xisaabtami doono dadkii taageeray Ahlu-Sunna
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 27, 2021

Saacado kadib markii ay ka baxeen Ciidamada Ahlusunna magaalada Guriceel oo ay ku Dagaalamayeen 4 maalin ayaa waxaa si buuxda ula Wareegay Ciidamada Galmudug oo gacan ka helaya kuwa Federaalka.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Guriceel, Dhamme Cusmaan Cali Hudeey oo ka hadlay halkaas ayaa Wacad ku maray in lala Xisaabtami doono dadkii taageeray waxa uu ugu yeeray Nabad Diidka.

Waxa uu sheegay  inaysan ka hari doonin cidkasta oo gacan siisay Ahlu-Suna, aysan ogaalan doonin inay si nabad ah ku joogan gudaha degmada Guriceel, sida uu sheegay.

“Degmada Guriceel amaankeeda guud ahaan waa la xaqiijiyey, ciidamada dowlada federaalka qeybaheeda kala duwan iyo kuwa Galmudug ayaa xaqiijiyey, waxaa leeyahay shacabka guryihiina kusoo laabta,” ayuu yiri Taliye Hudeey.

Sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba ay ka tanaasuli doonin nidaamka dowliga, isaga oo bulshada kala duwan ee degmada Guriceel ugu baaqay difaaca nidaamkaas iyo ka shaqeynta amaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post