1125 Views

SAWIRO:-Wasiir Beyle Madax kala duwan kula kulmay Washington

SAWIRO:-Wasiir Beyle Madax kala duwan kula kulmay Washington
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 28, 2019 —Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle, oo ku sugan Magaalada Washington DC ee Caasimadda Dalka Maraykanka ayaa kulamo la qaatay Madax kala duwan.

 

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shirar gooni-gooni ah kula qaatay Magaalada Washington mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Aduunka iyo xubno kale oo ka socday Dalalka Ingiriiska, Talyaaniga iyo Sacuudi Carabiya.

 

 

 

“Waxaan Magaalada Washington shirar gooni gooni ah kula qaatay madaxda IMF, Bangiga Aduunka iyo xubno kale oo ka socday Dalalka UK, Italy iyo Saudi Arabia” ayuu yiri Wasiir Beyle.

 

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in madaxdii uu la kulmay ay wadaageen xogo ku aaddan is-beddalka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo hiigsiga ku saabsan deyn cafinta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment