198 Views

C/qaadir Nuune “Gudniinka fircoonigu wuxuu dhibaato nololeed & mid caafimaad-ba u gaystaa gabdhaha”

C/qaadir Nuune “Gudniinka fircoonigu wuxuu dhibaato nololeed & mid caafimaad-ba u gaystaa gabdhaha”
____________________________________________________________________________

Sebti, ii Febraayo [Qaranimo Online] Guddoomiye ku-xigeenka dalladda Isu-tagga ururada Soomaalida Nederland ee magaceeda loo soo gaabiyo [FSAN] C/qaadir Cali [Nuune] oo ka qeybgalay munaasabada xuska caalamiga ah ee sannad kasta 6-da Febraayo lagu maamuuso [International Day of Zero Tolerance for Female Genital Mutilation]  oo sannadkan [2023]  lagu qabtay Magaalada Zwolle, ee Gobolka Overijsel ayaa sheegay in FSAN ahaan  ay kala xiriiri doonaan dhinacyada ay quseyso ee DF Soomaaliya joojinta gudniinka fircooniga ah ee lagu sameynayo gabdhaha Soomaaliyeed.

“Waxaa nasiib darro ah, in deegaanno badan oo dalkeena ka tirsan   weli gabdhaha loo gudo fircooni, iyada oo adduunku maanta ay dambi ka tahay ciddii lagu helo iyada oo gabar gudeyso in ay mudaneyso ciqaab & ganaax, waxaan u gudbin doonaa laamaha dowladda ee ay quseyso “proposal” aan kaga dalbaneyno in la dambiyeeyo ciddii falkaasi lagu helo” Ayuu yiri C/qaadir Cali Nuune oo dhinaca kalena ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda,  isaga oo dhinaca kalena kaga digay waalidiinta ku dhaqan waddamada galbeed ee xilliyada fasax ah u safra Afrika si ay gabdhahooda u soo gudaan.

Guddoomiye ku-xigeenka FSAN, waxaa kale uu sheegay in guddigooda FSAN uu la wadaagi doono warbixinno ku saabsan sidii loo ballaarin lahaa waxqabadka ay bulshada u hayso FSAN u hayso.

“Waalidiinta ku haminaya in ay si qarsoodi ah gabdhahooda ku dhaqan Yurub inta ay dalkii u kaxeeyaan soo gudaan, ha ogaadaan ina y mudanayaan xabsi & ganaax lacageed oo adag” Ayuu yiri Nuune, wuxuuna intaa ku daray in la ilaaliyo xuquuqda gabadha, iyada oo diin ahaan aysan sax aheyn in gabdhaha la gudo.

Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN C/qaadir Nuune, mar uu ka hadlayay cidda ay tahay in ay wax ka qabato joojinta gudniinka gabdhaha, wuxuu sheegay in ay tahay waajib saaran dowladda dhexe; sidoo kalena looga baahan yahay hormuudka bulshadu in ay wacyigelin ballaaran ka sameeyaan arrintaas.

“Sahamadii ugu dambeeyay ee dalkeena laga sameeyay waxaa lagu ogaaday in 99 boqolkiiba gabdhaha Soomaaliyeed lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah marka ay da’doodu soo gaarto 5 ilaa 9” Ayuu yiri C/qaadir Nuune, oo nasiib darro ku tilmaamay in ay goob joog u noqdaan qarnigan adduunku sii casriyoobayo in gabdho Soomaaliyeed mindi & sakiin lagu gudo iyada oo aan la isticmaaleyn wax xanuun baabi’iye ah, wuxuuna ku booriyay culimada, aqoonyahanada & hormuudka bulshada in ay ku baraarugaan joojinta gudniinka fircoociga ah.

“Waxaan marar badan isku dayay inaan arrintan joojinta gudniinka fircooniga ah kala hadlo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, waxaad arkeysaa in ay ku leeyihiin; waxaa jira muwduucyo innagaga muhiimsan  mowduucan ka hortaga gudniinka gabdhaha, waxaan ku iraahdaa; muwduuc kasta muhiimadiisa ayuu leeyahay” Ayuu yiri C/qaadir Nuune, isaga oo ku celceliyay in la laban-laabo dedaalada ku aadan joojinta gudniinka fircooniga ah.






_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post