321 Views

Dadka ilaaliya deegaanka iyo duurjoogta ee dalka Kenya, oo u baroor diiqaya Maroodi caan ahaa oo dhintay, oo 65 jir ahaa

Dadka ilaaliya deegaanka iyo duurjoogta ee dalka Kenya, oo  u baroor diiqaya Maroodi caan ahaa oo dhintay, oo 65 jir ahaa
____________________________________________________________________________

Khamiis:NOVEMBER 3, 2022

Dadka ilaaliya deegaanka iyo duurjoogta ee dalka Kenya, ayaa u baroor diiqaya Maroodi caan ahaa oo dhintay, oo 65 jir ahaa, kaasoo ku dhintay beerta qaranka ee Tsavo.

Maroodiga dhintay ayaa looggu wanqalay Dida, isagoo ku dhintay da weyn, sida ay sheegtay waaxda duurjoogta Kenya.

Dida, oo sidoo kale loo yaqaan “Boqoradda Tsavo” ayaa waxay ka badbaaday caqabado badan, sida abaarta iyo in laga ugaarsiga deegaanka ugu weyn ee Kenya.

Ilaaliyeyaasha ayaa bartooda Twitter-ka ku amaanay Dida, oo ay ku tilmaameen inay aheyd xayawaan ad adag markii ay dhibaato soo wajahdo.

Waxay dadka la wadaageen xubnihii xanaanaynayey maroodiga sawirro, kuwaaoso muujinaya iyada oo sii galeysa beerta duurjoogta ee ugu weyn waddanka, halka beertu ay leedahay ciidda cas.

Maamulka seeraha ayaa ku tilmaamay Dida, run ahaantii shucladdii seeraha qaranka Tsavo, iyo kayd weyn oo tobaneeyo sano oo xusuus mudan.

Dhanka kale labo maroodi, ayaa macaluul ugu dhintay kaymaha Imenti ee ku yaalla buuraha Kenya.

Abaarta hadda jirta ayaa saameyn weyn ku yeelatay duurjoogta, iyadoo in ka badan 100 maroodi la diiwaan geliyey inay ku dhinteen seerayaasha Qaranka ee Bariga iyo Galbeedka ee Tsavo ee Koonfur-bari Kenya, sida ay sheegtay Hay’adda Duur-joogta Afrika ee Kenya.

Ilaaliyeyaasha ayaa sheegaya in tani ay tahay dibu dhac, marka loo eego guulaha la gaaray sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo hoos u dhaca kiisaska ugaarsiga ay sabab u tahay kor joogteynta iyo ilaalinta ay ku dheehan yihiin kamirooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post