300 Views

Booliska Nairobi oo Xiray xafisyo uu leeyahay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, oo ka mid ah musharixiinta

Booliska Nairobi oo Xiray  xafisyo uu leeyahay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, oo ka mid ah musharixiinta
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Booliska Nairobi ayaa ku duulay isla markaana gudaha u galay xafisyo lala xiriiriyay in uu leeyahay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, kana mid ah musharraxiinta ugu cad cad doorashada madaxweynaha ee dhaceysa bisha soo socota.

Sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in baarayaasha ay soo qabteen labo koombiyuutar iyo labo qalab xog ku keydsanaa.

Sarkaal kamid ah kooxda ololaha doorashada madaxweyne ku xigeenka ayaa BBC u sheegay in aysan dooneyn in lugaha loo geliyo wax uu ku tilmaamay ‘arrin aan muhiim aheyn iyo carqaladeyn’

Arrintan ayaa kusoo beegmeysaa iyadoo ay jirto xiisad u dhexeysa ciidamada ammaanka dalka iyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.Dhawaan guddiga doorashada wuxuu si adag u dhaleeceeyay go’aan lagu xiray saddex qof oo ajaaniib ahaa oo la siiyay qanddaraas ku saabsan inay ka shaqeeyaan nidaamka codeynta casriga ah.Booliska ayaa eedeymahaa iska foggeeyay, wuxuu sheegay in aysan jirin caddeymo muujinayo in dadkaas shaqo laga siiyay guddiga doorashada.

Loolankadoorashada madaxtinimo ayaa loo arkaa mid ay siaad ah ugu tartamayaan Mr Ruto iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas, Raila Odinga

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post