564 Views

Turkiga oo Canbareeyay afganbigii Militariga Dalka Guinea xukunka kaga tuureen madaxweynihii dalkaas Alpha Conde.

Turkiga oo Canbareeyay   afganbigii Militariga Dalka Guinea xukunka kaga tuureen madaxweynihii dalkaas Alpha Conde.
____________________________________________________________________________

Isniin: September 6, 2021

Dowladda Turkiga ayaa cambaaraysay talaabadii Militariga Dalka Guinea xukunka kaga tuureen madaxweynihii dalkaas Alpha Conde.

“Turkigu wuxuu ka soo horjeedaa isku dayada lagu doonayo in si sharci darro ah loogu beddelo xukuumadihii la soo doortay,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, iyadoo intaas ku dartay inay si aad ah uga welwelsan tahay xaaladda.

Ciidamada gaarka ah ee Guinea ayaa Axaddii afgembi sameeyay, iyagoo xiray madaxweynaha, kacdoonkii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee ka dhacay waddanka saboolka ah ee Galbeedka Afrika.

Sarkaal u hadlay Ciidanka ayaa sheegay in la xiray xuduudaha dhulka iyo hawada ee Guinea isla markaana la kala diray dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post