1179 Views

Booliska Kenya oo ka digay weerarro Al-shabab ka qorsheynayaan gudaha dalkooda

Booliska Kenya oo ka digay weerarro Al-shabab ka qorsheynayaan gudaha dalkooda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 25, 2019 –Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in ay heleen xog la isku halleyn karo oo muujineysa in AL-shabaab ay qorsheynayaan weerarro joogto ah.

Saraakiisha amaanka Kenya ayaa ku dhawaaqay howlgallo dheeraad ah oo ka dhan ah AL-shabaab kuwaas oo laga fulinayo Wajeer, Gaarisa, Mandheera ilaa Lamu oo dhamaantood Soomaaliya ku dhow.

Meelaha ay Ciidanka Sheegeen in ay weerarayaan Al-shabaab waxaa ka mid ah Sheikh Barrow, Arabia, Fino, Damasa in Lafey, Alungo, Warankara, Falama, Elrhamu iyo Garsesala oo hoostaga Mandheera.

Kotulo, Mansa, Boji, Diif, Konton iyo  Khorof Harar, oo hoostaga Wajeer, sidoo kale waxaa ay sheegeen in tuulooyinka Liboi, Kulan, Hulugho, Bodhai, Boni forest, Galmagala, Amuma iyo Hamey oo hoostaga Gaarisa ay weerarro ka qorsheynaan Al-shabaab.

Dowladda Kenya ayaa la tacaaleysa weerarro ku laa laabtay Gobolka oo ay ku dhinteen saraakiil badan oo ka tirsan Ciidamadeeda Booliska ah.

Waxaa ay Kenya sheegtay in sababta ay u kordheen weerarrada AL-shabaab ee gudaha Kenya ay tahay khilaaf u dhaxeeya Beelaha Soomaalida ah ee deggan Gobolka iyo qeybta xigta gudaha SOomaaliya sida Gobolka Gedo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment