738 Views

Marooko oo jojisay Diyaradihii ka imaan jiray dalal badan ka hor taga Covid 19

Marooko  oo jojisay Diyaradihii ka imaan jiray dalal badan ka hor taga Covid 19
____________________________________________________________________________

February 23, 2021

 Marooko oo joojisay duulimaadyada 9 dal si looga hortago faafidda karoona Dowladda Marooko ayaa soo saartay go’aan ku meel gaar ah oo lagu joojinaayo duulimaayada ka imaanaya 9 dal si looga hor tago cudur safmareenka ah ee Karoona Fayras.

Waxaa la joojiyay duulimaadyadii aadi lahaa ama ka iman lahaa dalalka kala ah Austria, Portugal, Sweden, Czech Republic, Ukraine, Germany, Netherlands, Switzerland iyo Turkey.

Arrintan ayaa timid markii wasaaradda caafimaadka ee Marooko ogaatay 21 kiis oo ah nooca cusub ee Karoona Fayras.

Dalka Marooko waxaa hore looga joojiyay duulimaadyada ka yimaada dalalka kala ah Koonfur Afrika, Denmark, Britain, Australia, Brazil, New Zealand iyo Ireland

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post