1068 Views

Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Daacish-Ta Somalia

Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Daacish-Ta Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 06,, 2019  –Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Africa ee AFRICOM ayaa sheegay inay 6 ka mid tirsan Kooxda Daacish ku dileen duqeyn bishan 4-dii ka dhacday Buuraha Golis ee W/bari Somalia.

Waa duqeyntii 7-aad ee ay Maraykanka bishii hore iyo bishan June la beeegsadaan Dagaalamayaasha Daacishta Somalia iyo Alshabaab ee fariisimadda ku leh Buuraha Golis.

Ku-xigeenka Agaasimaha Hawlgalladda ee AFRICOM, Jeneral William P. West ayaa sheegay inay sii wadi doonaan cadaadiska ay ku hayaan Kooxaha ku sugan gudaha Somalia, si ay dowladda  fursad ugu helaan in la arbusho Hawlgalladda Kooxahaasi iyo in layareeyo dhaqdhaqaaooda.

Waxa uu intaasi ku daray in ay Dowladaha Maraykanka iyo Somalia sii wadi doonaan Hawlgalladda lagu naafeynayo Awoodaha Dagaalamayaasha ku sugan gudaha Somalia.

Dhinaca kale, Taliska AFRICOM waxay sheegeen inay sii wadi doonaan La-shaqeynta  Saaxiibadooda iyo sidii ay Hawlgalka AMISOM ugu wareejin lahaayen DFS iyo Maamul-gobaleedya mas’uuliyadda xilliga dheer ee Ammaanka Somalia.

AFRICOM waxay kaloo sheegtay in Ciiddanka Maraykanka adeegsan doonaan dhamaan qaababka ay ugu taageeri lahaayeen Badbaadinta dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan  Ciiddanka Hawlgalladda ka taageera DFS, AMISOM iyo Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment