381 Views

Maraykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Wasiirka Sirdoonka Iiraan

Maraykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Wasiirka Sirdoonka Iiraan
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 10, 2022

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Mas’uuliyiinta ugu sarreysa wasaaradda sirdoonka iyo amniga Iran (MOIS), isaga oo ku eedeeyay ku lug lahaanshaha weerarada internetka ee ka dhanka ah Mareykanka iyo xulafadiisa.

Bayaan ka soo baxay Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Mas’uuliyiinta Wasaarada Sirdoonka iyo Amniga Iiraan oo ugu horreeyo Wasiirka ay wadeen hawlgallo internet oo xaasidnimo ah tan iyo 2007, iyaga oo bartilmaameedsanaya hay’ado kala duwan oo dawladeed iyo kuwo gaar loo leeyahay oo adduunka ah.

Mareykanka ayaa xusay in Iiraan ku luglaheyd jabsashada nidaamyada kombuyuutarrada dawladda Albania bishii Luulyo ee sanadkan, taasoo ku khasabtay dawladda inay joojiso adeegyada bulshada ee dhica khadka Muwadaniinta dalkaasi laga siin jiray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post