1701 Views

Xildhibaan Goodax Barre”Xeerka Bankiga Dad Qaran Dumis Ah Ayaa Barabogaando Ka Fidiyay”

Xildhibaan Goodax Barre”Xeerka Bankiga Dad Qaran Dumis Ah Ayaa Barabogaando Ka Fidiyay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jannaayo 14, 2019 —Maalmihii la soo dhaafay waxaa la hadal hayay in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya  Guddoomiye looga dhigayo Nin Ajnabi ah,hayeeshee waxaa Warkaasi beeniyay Xildhibaan Cabdullaahi goodax Barre oo ah Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Xildhibaanka oo hadal ka jeedinayay Kulanka Baarlamaanka ee Maanta la horgeeyay Xeerka Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe ayaa sheegay in Xeerkaas laga fidiyay Barabogaanto uu ku qiyaasay Qaran dumis.

“Xeerkaan dad ayaa Barabogaando ka fidiyay oo aan u fahmay inay yihiin qaran dumis,waxana baraha Bulshada lagu faafiyay Magaca Nin Ajnabi ah  iyo sawir aan is laheyn kaas oo la leeyahay waa ninka loo Magacaabayo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waana been abuur ayuu yiri Xildhibaan Goodax Barre.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta ka doodaya Xeerka Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe ee uu u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment