2832 Views

Waxgaradka Waqooyi Bari oo ka hor yimid go’aankii xildhibaanada Kenya

Waxgaradka  Waqooyi Bari oo ka hor yimid go’aankii xildhibaanada Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 14, 2017Odayaasha iyo Waxgaradka ka soo Jeeda Ismaamul Goboleedyada dhaca Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa ka soo hor jeestay talaabadii ay qaateen Xubnaha Baarlamaanka u matala Degaanadaas oo ahaa in ay Hubka qaadan doonaan hadii aysan Dowladda Kenya wax ka qaban weerarada Shabaab.

Waxa ay sheegeen hadii ay yihiin shacabka Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya in aysan la dagaalami karin Shabaab, balse Ciidanka Dowladda Kenya looga baahan yahay in ay ka hortagaan weerarada Shabaab ay ku qaadaan dalka Kenya.

Oday dhaqameedka ugu caansan Gobolka Waqooyi Bari Mr. Dubat Cali Camey ayaa sheegay Gobolka Waqooyi Bari in aysan iska difaaci karin Shabaab, sidoo kalena mar walba ay ka wal walsan yihiin weerarada Shabaab ay ka geystaan Waqooyi Bari, taasi oo muhiim ah in wax laga qabto.

Todobo xildhibaan oo ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa Todobaadkan ku hanjabay in ay aabulayaan qorshe hub loogu iibinayo dadka ku nool gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, oo weeraro culus lagu soo qaado.

Xildhibaanadan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa Ciidamada Kenya ku eedeeyay in aysan la dagaalamin ururka Al-shabaab, maadaama inta badan Shabaab ay weeraro toos ah ka fuliyaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaab ay ka gaysteen Gobolka Waqooyi Bari, ayaa waxa ay la eegteen Afar ruux oo ka mid ah Shaqaalaha Hay’adaha Gargaarka oo ay ku beegsadeen wadada Kulan ee Degmada Dhadhaab.

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

 

__________________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment