1707 Views

Ciidamo cusub ka mid noqon doona AMISOM oo tababar loo soo xiray

Ciidamo cusub  ka mid noqon doona AMISOM oo tababar loo soo xiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 176, 2018 –  Taliyaha ciidamadda Difaaca dalka Uganda Gen David Muhoozi ayaa dardaarankii u dambeeyay u jeediyay ciidamo ka tirsan dowladda Uganda oo Tababar loosoo xiray.

Ciidamadaasi oo ka kooban labo qeybood ayaa waxay ku kala biiri doonaan ciidamada AMISOM ee la dagaalamaya Al-Shabaab iyo ciidamada Uganda ee ilaaliyaha xarumaha Qaramada Midoobay iyo xarumaha dowladda.

Gen Muhoozi, ayaa uga digay saraakiisha hogaaminaysa ciidamada inay ka fogaadaan wax walbaa oo dhaawici kara sharafta howgalka xasilinta Soomaaliya ee AMISOM iyo ciidamada dowladda Uganda

“Howlgalka Soomaaliya aan ka wadno waa mid lagu dhowro anshaxa iyo u adeegidda shacabka sidaasi daraadeed si adag u shaqeeya, hana aqbalina inay Uganda Hoos noqoto”ayuu yiri taliyaha oo dardaaran siinayay ciidamada Uganda ee tababarka loosoo xiray.

Wuxuu taliyaha intaasi ku daray in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya uu xambaarsan yahay fikradda ah inay is taageeraan dhamaan shacabka Qaaradda Africa.

Ugu dambeyn taliyaha ciidamada Uganda ayaa sheegay in ciidamadan dhawaan ay soo gaari doonaan dalka Soomaaliya.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment