1350 Views

Midowga Musharaxiinta iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Qaar oo Kulmay

Midowga Musharaxiinta iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Qaar oo Kulmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 16da Maarso, 2021Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Axmed ayaa Maanta kulan la qaatay Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland, waxaana dhinacyadu ay kawada Hadleen Xaaladda dalka  iyo  Shirka La filayo in uu u furmo Madaxda Dowlada Federalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka GobolkaBanaadir.

Madaxweynaha maamulka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganayhay Muqdisho ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyada oo  Kulanka uu ku wehelinayay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana soo dhaweyn kadib ay diirada saareen sida uu u dhici doono Kulanka Xalka lagaga Gaarayo Arimaha Doorashada Soomaaliya ee Muranka uu Hareeyay.

Shalay ayay ahayd Markii Madaxweynaha Puntland uu qaabilay Qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasi oo kala ah Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Ambassador James Swan, Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post