1089 Views

SAWIRO:- Carruur Walaalo ah oo ku geeriyootey dab qabsadey Gurigooda

SAWIRO:- Carruur Walaalo ah oo ku geeriyootey dab qabsadey Gurigooda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talado  , March 10, 2020 —Inta la xaqiijiyey ilaa laba carruur Walaalo ah ayaa geriyootey,kadib markii uu dab qabsadey Gurigigii ay deganaayeen oo ku yaalla Magaalada Hargeysa ee deegaannada Soomaaliland.

 

Labada Carruurta aha ayaa dabkaasi waxaa kasoo gaarey dhaawac culus oo ay u geeriyoodeen,waxana gurigooda oo ka sameysnaa Jiidgal oo ku yaalla xaafada Jameecada ee Degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa.

 

 

 

Taliska Ciidanka Dab-demiska Soomaaliland ayaa u direy Guriga uu dabka ka kacay Ciidamo,kuwaas oo ugu dambeyn ku guuleystey inay debkaasi demiyaan.

 

Qaar kamid ah Shacabka ku nool Xaafadda Jameecada ee uu ku yaalla Guriga uu dabka qabsadey ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga walaaceen waxyeelada soo gaartey Carruurtaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment