2685 Views

DEG-DEG:- Dagaal culus oo ka socda deegaanka Mareerguur ee gobalka Galgaduud

DEG-DEG:- Dagaal culus oo ka socda deegaanka Mareerguur ee gobalka Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 23, 2017 – Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaarayo deegaanka Mareergur ee gobalka Galgaduud ayaa soo sheegaya in xiligaan dagaal culus uu ka socdo duleedka Mareergur gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyo taabacsan Ahlsunna waxaana meelo badan oo gobalka ka mid ah laga maqlaya rasaasta ay labada dhinac isdhaafsanayaan waxaana lagu soo waramaya in dhimasho iyo dhaawac badan ay jirto.

Sida ay sheegeen dadka Mareergur dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamo ka tirsan Galmudug oo ka yimid dhinaca Godin-labe ay soo weerareen Ciidamadii Ahlsunna ee ku sugnaa duleedka mareergur waxaana la soo sheegaya in dagaalka uu yahay mid Xoogan.

Dagaalka oo aan wali ku faafin gudaha deegaanka Mareergur ayaa dadka deegaanku waxay soo sheegayaan  in ay maqlayaan rasaasta Labada dhinac ay is weedaarsanayaan.

Ilaa hadda lama oga inta ay gaarsiisan tahay dhimashada iyo dhaawac balse waxaa la soo warinayaa in ay jirto khasaaro Labada dhinac soo gaaray.

Maalmahaan oo dhan ayaa xiisado dagaal waxa ay ka taagneed gobalka Galgaduud taas oo u dhaxeysa Ahlsunna iyo dadka deegaanka oo garab ka helaya Maamulka Galmudug.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment