1425 Views

Dad ku dhintay dagaal ka dhacay tuulada Garbo-Ciise oo dhexmaray Soomaalida iyo Cafarta

Dad ku dhintay dagaal ka dhacay tuulada Garbo-Ciise oo dhexmaray Soomaalida iyo Cafarta
____________________________________________________________________________

Ugu yaraan seddex qof ayaa lagu dilaay laba kalana waa lagu dhaawacay dagaal tuulada Garbo-Ciise ku dhex maray Soomaalida iyo Cafarta.

Qaar ka mid ah odayaasha deegaanka Garbo ciise oo BBC la soo xiriiray waxay sheegeen dagaalka shalay billowday inuu ilaa iyo xalay socday.

Tuulada Garbo-Ciise oo hos timaadda degmada Afdam ee gobolka Siti ee deegaanka Soomaalida labadi sano ee ugu dambeeyey dagaal ay dad badan ku dhinteen ayaa ku dhex marayey Soomaalida iyo Cafarta.

BBC waxay isku dayday iney xog dheeraad ah ka hesho hogaanka nabadgalyada deegaanka soomaalida iyo xafiiska warfaafinta balse uma suuragelin.

Mid ka mid ah odayaasha Deegaanka ayaa BBC uga warramay sida ay wax u dhaceen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post