1017 Views

17-ruux oo laga badbaadiyay dhismo ku dumay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir

17-ruux oo laga badbaadiyay dhismo ku dumay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 21 2020–Dhismo ka kooban 3-biyaano oo ku yaalla Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa ku dumay qoysaskii ku noolaa, waxaana saacado qaatay soo badbaadinta dadka ka hoos maray guriga qadiimiga ah ee dumay.

Howlwadeeno katirsan waaxda Dowladda Hoose, dad is xilqaamay iyo qoysaska deegaanka ee aqoonta u leh dadka halkaa kunool ayaa sameeyay qaadista dhagaxaanta guriga dumay si ay uga soo hoos bixiyaan dadka ku go’doomay.

17-ruux ayaa laga soo saaray, Haweeney da’ ah ayaa ku jirtay, waxaana waqti dheer qaatay soo badbaadinta qoysaskaan, maadaama lagu howlanaa soo saaristooda in ka badan 2-saac oo xiriir ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo Warbaahinta kula hadlay isla goobta waxa uu sheegay in sababta burburka guriga uu lahaa roob ka da’ay Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay dadka lasoo badbaadiyay 5-kamid ah ay qabaan dhaawacyo fudud, halka 12-ka kale laga saaray isbitaalka la geeyay, kadib markii ay mareen hubin caafimaad.

“Roobabkii iska daba socday dartood waxaa dumay guri dabaq ah oo qadiimi ah, shacabka iyo maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya waaxda dowladda hoose waa ay ku guuleysteen in ay badbaadiyaan qoysaskii burburka ka hoos maray, taasi waxa ay kamid tahay khasaaraha ka dhasha roobka iyo in ay dumaan guryaha waqtiga dheer dhisan” .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu shacabka ku sugan Magaalada Muqdisho ugu baaqay in laga fogaado meelaha halista ka dhalan karta, maadaama Roobka ka da’aya Caasimadda uu yahay mid waqti dheer socda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post