1068 Views

Qaxooti Soomaali iyo Yemeniyiin isugu jira oo soo gaaray magaalada Boosaaso

Qaxooti Soomaali iyo Yemeniyiin isugu jira oo soo gaaray magaalada  Boosaaso
____________________________________________________________________________

Axad: November 28, 2021

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dumuquraadiyaynta Dowlad goboleedka Puntland ayaa dekedda magaalada Boosaaso ku soo dhoweysay 19 qoys oo qaxooti Yemeniyiin iyo Soomaali isugu jira, kuwaas oo ka soo cararay colaadda dalka Yemen.

Qaxootiga oo u badana haween iyo carruur waxaa loo daabulay xarunta qaabiladda iyo soo dhowaynta qaxootiga ee magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradaas.

“Xaaladdaha bani’aadamnimo iyo duruufaha amni ee daran oo ka jira Yemen ayaa horseeday qulqulka qaxooti badan oo soo gaaraya Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post