744 Views

Booliska degmada Garbahaareey oo soo bandhigay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

Booliska degmada Garbahaareey oo  soo bandhigay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo  isku soo dhiibay
____________________________________________________________________________

 

Isniin: July 26 2021

 

Taliska Ciidamada Booliska degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay Ciidamad Booliska.


Waxaana kadib markii uu isku soo dhiibay ciidamada uu magaciisa ku sheegay Cabdirisaaq Cabdullaahi Maxamuud, kaas oo magaciisa afgarashadu yahay (Xudeyfa).


Cabdirisaaq Cabdullaahi Maxamuud “Xudeyfa” ayaa sheegay in uu ururka Al-Shabaab uu ka tirsanaa mudo lix sano ah islamarkaana uu u shaqeenayay.


Ciidamada xoogga dalka oo dagaal xoogleh kula jira Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hore u soo bandhigay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo iskugu jiray Saraakiil, Askar iyo hubkooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post