1284 Views

Puntland Iyo Dowladda Jarmalka Oo Ka Wada Hadlay Abaaraha Ka Jira Deegaanadaas

Puntland Iyo Dowladda Jarmalka Oo Ka Wada Hadlay Abaaraha Ka Jira Deegaanadaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 08, 2019 –Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan Arrimaha Abaaraha La Yeeshay wafdi ballaaran oo ay hogaaminaysey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaardda Degaanka Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka warbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay kulanka.

“Waxaa saakay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Wasiirka Deegaanka iyo anigoo ah wasiirka Arrimaha Gudaha oo ani ah aan la kulanay waftigii Dowladda Jarmalka ka joogay Puntland oo ay hogaaminaysay safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther”

“Waftigan oo tan iyo shalay kulamo kula jiray Puntland waxaa saaka Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wasaaraduhu kala hadleen Arrimaha Abaaraha Puntland ka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa, sida aad la socotaan xaaladaas oo hada soo adkaanaysa Puntland ay samaysay dedaalo badan oo ay kamid tahay kutalagal dhinaca biyo dhaaminta ah iyo xiriir badan oo lala sameeyey Beesha Caalamka, maanta waxaan safiirada Jarmalka kala hadalnay siday qayb weyn uga qaadan lahaayeen arrimaha abaaraha kulankaasna waxaa uu ku soo dhammaaday guul” ayuu yiri Wasiirku.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment