885 Views

Puntland oo digniin kasoo saartay roobab daadad wata

Puntland oo digniin kasoo saartay roobab daadad wata
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 30 2020—Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa soo saartay digniin la xiriirta roobab dabeylo wata oo la sheegay inay kusoo  wajahan yihiin degaano ka tirsan Maamulkaas.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in la saadaalinayo in roobab mahiigaan ah kusoo wajahn yihiin degaannada Puntlnad, gaar ahan gobolada Nugaal,Bari iyo Sool iyo Sanaag.

Wasaaradda Qoraalkeeda waxaa ay ku sheegtay in roobkaas uu sababi karo daadad xoogan, waxaana loogu baaqay dadka ku nool meelaah biyo mareenada ah inay ka tigtoonaadaan.

“Roobab mahiigaan ah ayaa la saadaalinayaa inay kusoo wajahan yihiin degaannada puntland, qeybo kamid ah gobolada Bari, Nugaal iyoSool & Sanaag ayaa la rajeynayaa inay heli doonaan rooob xoogan oo sababi kara daadad ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Wasaaradda degaanka Puntland.

Warkaan digniinta ah ee kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Saacadihii la soo dhaafy uu roob xoogan ka da’ay qeybo kamid ah Gobolada Sool & ceyn.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post